Friday, June 27, 2025

XOG: Guddoomiyaha G/Banaadir oo Cadaadis saaray agaasimeyaasha iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa culeys aan hore loo arag saaray agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Cadaadiskan ayaa qeyb ka ah xil ka qaadis la sheegay inuu saameyn ku yeelan doono inta badan agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo isbedelku ku bilwoday.

Guddoomiyeyaasha iyo agaasimeyaasha ayaa ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin cadaadis dhinaca waqtiga shaqada ah oo laga dalbaday inay 6:00 aroornimo ay xaadir ku ahaadaan xarunta Gobolka, taasoo ka baxsan waqtiga shaqada ee xafiisyada dowladda iyadoo laga joojiyay qoonde dhaqaale oo gobolku ku bixin jiray abaabulka iyo wacyi gelinta.

Agaasimeyaasha qaarkood ayaa ka cabanaya inuu guddoomiye Taabit iska dhega tiro, isla markaana diiday inuu xitaa la hadlo, qaarkoodna waxaa laga soo xigtay in xilalkoodii uu ku wareejiyay agaasimeyaal kale oo iyagoo aan xilka laga qaadin ay shaqo la’aan noqdeen.

Isbedel iyo olole xil ka qaadis aytaa saameyn weyn ku yeeshay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana mas’uul waliba uu qabaa cabsi ku saabsan in xilka laga qaadi doono, taasoo keentay in xaruntu noqoto dareen ku joog ay dhegtu wada taagan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON