Casrigan aynu maanta joogno dowladaha waaweyn si ay u ilaaliyaan danahooda isagana ilaaliyaan cadowgooda waxa ay lacago aad u fara badan oo la mid ah ama ku dhaw tan ay ciidamada ku bixiyaan ku qarash gareeyeen halitaanka xogta gaar ahaan meelaha qatartu kaga iman karto.
Xarun istiraatiijiyad iyo Cilmi baaris oo ku taal dalka Mareykanka ayaa mar ay ka hadleysay ahmiyadda mukhaabaraadka iyo xogta waxa ay ku micneysay in ay tahay hub muhiim ah oo la adeegsado kaa oo qeyb weyn ka qaata in aad gaarto guul kama danbeysa ah meel xogtaa la’aanteed ay hubinta ahaan laheyd in uu kaa soo wajahi lahaa Jab iyo halaag.
Iskaba daa xogta colaadda hadii shirkad ganacsi ay ka macluulaamd badan tahay shirkad kale oo tartan kula jirta waxaa loo badinayaa in ay kaga guuleysaneyso tartanka suuqa,
Xog kaliya waxba ma tareyso hadii aanu jirin xoog u diyaar ah inuu la tacaalo xogta la helay.
Dhinacyada hadda ku dagaalamaya Soomaaliya marka aad u kuurgasho waxaa kuu soo baxaya in Shabaabku ay leeyihiin xog iyo xoog wada socda marka la barbardhigo ciidanka qalabka sida ee dalka. Dad badan ayaa laga yaabaa in ay ii caroodaan oo ay yiraahdaan wariyuhu Shabaab miyuu teegeersan yahay laakiin waxa aan ku siinayaa tusaale yar raalli ahow .
Labo maalin ka hor ciidamo si qaas ah u tababaran (Commandos) ayaa lagu weeray waddo ku taalla inta u dhaxeysa Wallaweyn iyo Afgooye ,xog laga helay kadib dhabbaha ayaa loo galay askar baa ku dhimatay afar gaari ciidan oo ay wateenna waxaa la tagay Alshabaab .Waxaan aaminsahay xogta ay heleen Alshabaab waxba uma tareen hadii aaney heysan xoog wax fuliya u diyaar aheyn.
Dowladda Soomaaliya tirada ciidankeeda iyo qalabkeeda,caawinaadda meleteri,dhaqaale iyo mid sirta ee ay ka heysato dowladaha saaxiibada la ah marar badan ayay ku labalaamaan tan Shabaabka oo maaha wax la is barbardhigo karo hadana weli ciidamada dowladda isuma raacsana Xog iyo Xoog wada socda aniga arigtideyda.
Waxaa mararka qaar dhacda in laamaha amnigu ay xog helaan hadana la waayo farsamadii iyo xooggii lagula tacaali lahaa amaba in xooggii uu dhooban yahay oo aan xog wanaagsan laheyn .Mar baa waxaan maqlay digniin la leeyahay labi gaari oo isqarxin ah ayaa magaalada soo gashay ,maxaa loo baafin maa lala tacaalo.
Dadka arimaha meleteriga yaqaanna waxa ay ku adkeysanayaan in inta la helayo Xog iyo Xoog wada socda ay adkaan doonto in amni la isku halleyn karo laga helo Soomaaliya.
W/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu