Thursday, June 26, 2025

XOG KU SAABSAN MURANKA GURIGA XAASHI BULXAN!

Asxaab aan is leeyahay waa xog-ogaal ayaan wax ka weydiiyey Muranka Guriga Col. Xaashi Bulxan, waxaana la ii sheegay sidan.
Col. Bulxan Guriga lagu heysto dhab ahaan isaga ayaa u leh milkiyaddiisa, balse qalad uu galay xilli hore ayaa keenay in sharci ahaan maanta uu gurigiisii u waayo.

Bulxan sida la ii sheegay Xaas hore oo ay isku reer yihiin ayuu qabay,taas oo Jaceyl uu u qabay darteed uu guriga markii uu dhisaayey ugu qoray. Nasiib darro gabadhaas ilmo uma aaney dhalin. Markii uu qaxa ka soo laabtay wuxuu Muqdisho ku guursaday Xaas kale, taas oo uu la degay guriga haatan la isku heysto, carruurna way u dhashay.

?
Col Xaashi Bulxan

 

Xaaskiisii hore maseyr dartiis ayaa lagu kala tagay, wuuna furay, nin kale ayey is guursadeen oo ay ilmo u dhashay iyadana, balse Warqadihii Lahaanshaha guriga iyada ayaa heysay, iyada ayaana sharci ahaan ugu qorneyd.

Gabadhaas xaaska hore u aheyd Col. Bulxan ee ay kala tageen iyo ninkeedii ayaa guriga ka iibsadeen gabdhaha haatan ku heysta Bulxan.
Qofta ku qorneyd milkiyadda guriga ee haatan iibisay gabadhaha ay ka iibisay isuguma aysan sheegin in ay tahay Xaaskii hore ee Bulxan, iyagana taas kuma aysan baraarugin.
Warqadaha Shariciga ah ee dowladda Hoose ee Muqdisho ka diiwaan gashanna waxaa ku qoran Gabadhaas ay kala tageen Xaashi Bulxan. Odeyga sidaas ayaa keentay in gurigiisa lagu dul iibsado.

Haddii ay arrintaasi jirto xalka ha laga raadiyo gabadha guriga ku dul iibsatay odeygeedii hore, waa intaas oo ay ALLAAH ka baqataa oo iska celisaa lacagtii ay qaadatay, waa haddiiba ay jirto.

Warkan waxaan ka soo xigtay saaxiibo aan ku kalsoonahay oo isla markaasna deggan meesha uu ku yaallo guriga la isku heysto. Balse ma lihi odeyga warqado uma heysto gurigiisa aniga.

Abukar Albadri

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON