Dowladda Kenya ayaa xayiraad ku soo rogtay hantida 86 qof oo Soomaali ah iyo shirkado ganacsi oo Soomaalidu ku leedahay dalka Kenya, iyadoo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin argagixisada. Kenya waxay hay’adaha maaliyadeed iyo shaqsiyaadka la shaaciyay oo gaaraya 86 laga joojiyay inay dhaqdhaqaaq maaliyadeed ah ka sameeyaan dalkaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay kulan uu madaxweyne Uhuru Kenyata la yeeshay mudayaasha iyo madaxda Soomaalida Kenya iyo hanjabaad ka soo yeertay Aadan Barre Ducaale oao tirsan xisbiga talada haya ahna afhayeenka Aqbaliyada Baarlamaanka oo si cad u sheegay inay hayaan liis dadka taageera Alshabaab oo ganacsi iyo shaqsiyaad leh ayna degdeg u shaacin doonaan, waxaana wararku sheegayaan inuu ninkanki ka danbeeyay tallaabada ay dowladda Kenya ka qaaday ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee hantida ku leh dalka Kenya.
Dadka hantidooda la xayiray waxaa ka mida culimo Soomaalida Kenya ka mid iyo ganacsato shaqsiyaad ah oo aad looga yaqaan dalkaasi iyo shirkadaha xawaalada Soomaalida oo ay ka mid yihiin:
[row][double_paragraph]
- Dahabshiil
- Amal
- Amaana
- Jubba,
- Bakaal
- Iftin
- Kaah
- Amana
- Hodon Global
- Tawakal
- iyo kuwo kale
[/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-3″] [/double_paragraph] [/row]
Ololahan waa kii ugu weynaa Kenya ku dhaqaaqdo iyadoo ka aargoosanaysa Soomaalida caadiga ah iyo hantidooda xilli aysan jirin dowlad awood leh oo Soomaaliyeed oo tallaabo qaadi karta dhinaceeda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]