Wararka laga helayo xafiiska UN-ka Muqdisho ayaa sheegaya inay isku dhaceen Madaxda madasha Qaran iyo Beesha caalamka.
Arrintan ayaa salka ku heysa is mari waa’ ka taagan xildhibaano dacwad ka taagan tahay oo qaarkood ay laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, taasoo keentay in Madasha ay iska dhega mariso dalabkii beesha caalamka.
DALABKA BEESHA CAALAMKA
Beesha Caalamka ayaa dooneysa in 24 kursi oo qaabka loo doortay ay hareeyeen dhibaatooyin isugu jira: Awood sheegasho, Laaluush, Boob, Ergo been buur ah, Afduub iyo shaqaaqooyin la kansalo dibna loogu tartamo, waxayna caddeyn ka dalbatay Guddiga xalinta Khilaafaadka inay dadka usoo bandhigaan warbixinta kiisaskaasi iyo qaabkii loo raacay in la laalo, isla markaana kuwii laga reebay sababta looga reebay.
Dadaal iyo shirar ay waday Beesha caalamka ayaa waxba ka soo bixi waayeen markii Guddigu ku dooday in loo hanjabay oo xaaladooda ammaan halis ku jiro, madaxda Madasha Qaranna ay diideen in la laalo kuraasta 11-ka xildhibaan.
DIGNIIN CULUS
Qoraalkii ugu danbeeyay ee Beesha caalamka ayaa loogu digay madaxda Madasha inay qaadan waayaan tallaabada ku haboon ee lagu saxayo khaladaadka ka dhacay doorashada, iyadoo loogu sheegay inay taasi dhaawici karto shaqsiyadooda, sharxiyadda dowladda soo socota iyo dowladda xigta ee 2020-ka.
TALLAABADA UGU DANBEYSA
Xogta laga halayo Xafiiska UNSOM ayaa sheegeysa in haddii madaxda Madasha Qaran ay diidaan inay fuliyaan go’aanadii Guddiga Xalinta khilaafaadka, isla markaana Guddiga Xalinta khilaafaadka keeni waayo sababtii uu 13 xildhibaan oo dacwado ka yaallaan uga reebay liiska la laalay ay qaadi doontaan tallaabada ugu danbeysa oo noqon doonta in Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay la horgeeyo magacyada xildhibaanada 24-ka ah oo sharci darro looga dhigo doorashadooda.
Goobjooge.com