Madasha Qaran ee Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo shir uga socdo magaalada Muqdisho maalintii labaad ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen hal qodob.
Madasha Qaran ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen meel marinta QORSHAHA AMNIGA QARANKA National Security Policy (NSP) oo ah qorshe in muddo ah la waday oo ay ka mid yihiin dib u habeynta ciidamada qaranka.
Qorshahan oo dhaqaale balaaran beesha caalamka ku bixin doonto ayaa khilaaf ka dhex taagnaa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana ansixinta heshiiskan oo aan markii hore ka mid ahayn ajendaha shirka Madasha dib loogu soo daray.
Goobjooge.com