Wednesday, June 25, 2025

XOG: Madaxweynaha Jabuuti oo shir u qabanaya madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Somaliya

Kulan daba socda shir ay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ku yeesheen dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay inay shir gaara yeeshaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ee Midowga Afrika.

geelle1

Madaxweynaya Jabuuti ayaa arrintan soo jeediyay iyadoo Jabuuti marti gelineyso shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Ethiopia iyo Nigeria, shirkan oo talo soo jeedin ahaa ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadley kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada New York, ayaa sheegay inuu u mahad celinayo  dalalka naftooda u huray, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta Soomaaliya.

Ujeedka shirkan oo  Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku baaqay ayaa ah in la mideeyo howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga oo dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Itoobiya ay siyaabo u gaara u howl galaan, iyadoo marar badan isku dhex yaac ka dhashay qaabka howlgladda ciidamada labadaas dal.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON