Waxaa 6-dii bishan April warbaahintu la shaacisay in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Aadan Cabdi Ashkir, la bedelay oo la magacaabay maareeye cusub.
Maareeyaha cusub oo ee la sheegay in loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle), laakiin waxaa shalay lagu soo baraarugay in Yuusuf Jaalle loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada.
Haddana baaritaan iyo dabagal ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday inaysan jirin magacaabiddii hore loo shaaciyay oo ahay in Yuusuf Jaalle loo magacaabay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha.
Magacaabiddii hore ee 6-dii April ayaa ku koobneyd Maareeyaha Dekadda Muqdisho, iyadoo wareegtada lagu magacaabay loo diray Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, isla markaana xafiiska Ra’iisal wasaaraha ka shaqeeyay xil wareejintii Maareeyaha Dekadda.
Warkii la faafiyay ee ku saabsanaa in Yuusuf Jaalle loo magacaabay Maareeyaha Garoonka ayaa noqday mid aan sal lahayn isla markaana Yuusuf Jaalle iyo wasaarada Gaadiidka aanay wax war ah ka heynin markii la weydiiyay.
Wararka sheegaya in Maareeye Aadan Cabdi Ashkir oo heyb ahaan kasoo jeeda Beesha Mareexaan uu diiday inuu xilka wareejiyo ayaa iyaguna noqday kuwo aan sal la lahayn, waxayna arrinta maareeyahan oo ka mida kuwa ugu awoodda badan maareeyeyaasha dowladda u magacaaban salka ku heysaa madaxeyweyne Xasan Sheekh oo awood buuxda siiyay Aadan Cabdi kana dhigay Maareeye si toos ah u hoos yimaada Madxatooyada oo aan ka amar qaadan Wasiirka Wasaaradda uu hoos tago kadib qaraxii lala beegsaday diyaaradii Daallo.
Goobjoooge.com