XOG: Mooshinno xil ka qaadis Farmaajo iyo Jawaari oo qoristooda laga bilaabay Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa gashay xilligii ololeyaasha iyo xiisadaha siyaasadeed, kadib markii ay bilowdeen mooshinno xil ka qaadis ah oo laga qorayo madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Mooshinka hore ayaa ah mid xil ka qaadis “Impeachment” ah oo la doonayo in xilka looga qaado madaxweyne Farmaajo waxaana wada xildhibaanno u badan kuwii Qabyo iyo qaar kale oo isu baheystay inay ridaan dowladda talada heysta ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa waxaa ku howlan siyaasiyiin, xildhibaanno iyo musharixiin hore, waxaana hadda soo baxeyso faahfaahin mooshinkan iyo cidda ku lugta leh oo maalmaha soo socda aan idin soo bandhigi doono haddii Alle idmo.

Mooshinka labaad ayaa laga wadaa guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana hoggaanka u haya xildhibaanno is biirsaday oo  ku kacsan guddoomiye Jawaari, kuwasoo intooda badan ka careysan guddiyo laga saaray iyo arrimo kale oo kala dhaxeeya guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa laga cabsi qabaa in qalalaase siyaasadeed ay gasho dowladda Soomaaliya iyadoo aan la gaarin sanadguuradii koowaad ee doorashada madaxweye Farmaajo, waxaana durba bilowday adeegsiga dhaqaalaha.