Monday, June 23, 2025

XOG: Olole nooc cusub ah oo lagu fashilinayo Mooshinka Madaxweynaha

Xildhibaanada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay doonayaan inay uga hortagaan Mooshinka laga keenay madaxweynaha iyadoo qorshahaasi uu socdo muddo 24 saacadood ah oo kasoo bilaabatay habeenimadii 28 Ogost 2015.

Hasan-mooshin

Qorshahan ayaa ka dambeeyay kulan xasaasi ah oo xarunta madaxtooyada ay ku dhex maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta badan xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda Beesha Hawiye oo si adag looga dooday arrinta Mooshinka laguna go’aamiyay in tallaabooyin muhiim ah la qaado si loo kala tuuro mooshinkaasi.

Saacidihi ugu danbeeyay waxaa culeys weyn la saaray xildhibaanada Beesha Hawiye ee saxiixay mooshinka iyo xildhibaano kale oo taageersanaa, waxaana shirar xasaasi ah oo is daba joog ah ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyadoo xaaladii oo dhan ay hadda u muuqato inay isu bedeshay qaab beeleed siyaasadeysan.

Qorshaha ugu weyn ee ololahan ayaa ah  in mooshinka laga reebo dhammaan xildhibaanada beesha madaxweynaha kasoo jeeda oo culeyskii ugu weynaa saaran yahay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON