Monday, July 14, 2025

XOG: Puntland oo shardi cusub lasoo baxday & Safiirka Imaaraadka oo degdeg u tegay Garowe

Safiirka Imaaraadka u qaabilsan Somalia Mohamed Cusmani ayaa si degdeg oo aan la fileyn xilli danbe maanta tegay magaalada Garowo, isagoo ku biiray wadahadalka Beesha caalamka, dowladda Soomaaliya iyo Puntland u socda, kuna saabsan heshiiska laga gaaray qaabka doorashada 2016.

Heshiiska la gaaray oo qodobo kala duwan ku jiraan waxaa Puntland ay dalbatay inay Beesha Caalamka damaanad qaado fulinta heshiiskaan oo dhinac ka saxiixaan, taasoo keentay inay u yeerto Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Qorshihii Puntland ee ahaa in wakiilada Beesha Caalamka ay heshiiska saxiixaan ayaa si weyn looga hor yimid, iyadoo wakiilada Beesha Caalamka ay sheegeen inay kaliya ku eg yihiin goobjoognimo oo aanay wax shaqo ah ku lahayn saxiix iyo heshiis u dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa socda shir lagu qanciyo Puntland haddii ay mar ogolaatay qaabka doorashada 2016 ee dowladda Soomaaliya aan loo baahneyn shuruudo kale oo ay hordhigto, waxaana cabsida ugu weyn ee Puntland ay qabto ay tahay in heshiisku socon waayo.

Goobjoogee.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON