Qaar ka mida xawaaladaha Soomaalida oo ay ku jiraan kuwo caan ahaa oo muddo dheer soo shaqeynayay ayaa kacay oo xirmay iyagoo qaar kalena ay qarka u saaran yihiin inay kacaan.
Xawaaladahan ayaa la sheegay inay soo wajaheen dhibaatooyin isugu jira:
1- Dadkii saamiga ku lahaa oo qaarkood lacagahoodii kala baxay
2- Wakiilada qaarkood oo lacago badan ka dhacay
3- Lacagihii Caddaanka ah ee lagu waday xawaaladdaha oo xarumo gaara ku ururay, kadibna shaqadii curyaamiyay.
Arrimahan iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa sababay inay kacaan shirkadaha xawaaladaha ee Mustaqbal Express iyo Najma Express oo gebi ahaan shaqadoodii ay istaagtay, iyadoo guud ahaan ay hadda howlgal noqdeen labadan shirkadood oo ka mid ahaa kuwa ka howlgala dhulka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho.
Shirkadaha Xawaaladaha Kaah Express iyo iyo Hodon Global ayaa howshoodii noqotay gaabis, iyadoo fasaxay inta badan shaqaalihii shirkadahaasi ee xarumahooda Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa inay indhaha isku qabsadaan dhowaan.
Xawaaladaha Soomaalida ayaanay ku cusbeyn inay kacaan oo ay masalafaan, iyadoo hore ay u jireen shirkado waaweyn oo kacay, kuwaasoo qasaare baaxad leh kasoo gaaray dadka Soomaaliyeed.
Goobjooge.net