Tuesday, June 24, 2025

XOG: Qorshihii dowladda Somalia ee xilka Xoghayaha Fulinta IGAD oo Qarka u saaran inuu fashilmo

Dowladda Soomaaliya ayaa halis ugu jirta in lagala wareego xilka xoghayaha fulinta IGAD oo olole ugu jirtay in loo doorto musharax Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilkan u sharaxday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/sallaan Hadliye Cumar, iyadoo codsigeedu gaarsiiyay dalalka xubnaha ka ah IGAD, kadibn markii uu mudadda xilka ka dhammaaday Maxbuub Macalin oo kasoo jeeda dalka Kenya oo laba xilli soo qabtay xilka xoghayaha IGAD.

Waxaa laga war helay qorshe Uganda ku dooneyso inay kula wareegto xilka xoghayaha IGAD, taasoo ay ugu wacan tahay in lagu leeyahay qaaraankii ururka oo ururay, lagana rabo lacag ku dhow 1 Milyan oo Doolar, taasoo haddii aan la bixin ay lumin doonto xilka xoghayaha fulinta IGAD.

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay bixisay kharashkii qaaraanka IGAD oo ay dooneyso in musharax ay wadato xilkaasi ku soo baxo, waxaana  arrintan go’aan looga gaarayaa shirka Sabtida 27-ka bishan ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda IGAD.

Somalia ayaan weli qaban xilka sare ee fulinta IGAD inkastoo ay ka mid tahay dalalkii asaasay urur Goboleedka IGAD.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON