Friday, June 27, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo wadahadal la furay xildhibaanada Mooshinka wada iyo shuruudo ay ku xireen…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  ayaa bilaabay waanwaan uu ka dhex wado madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka xil ka qaadista ka keenay madaxweynaha, isagoo kulamo la yeeshay xildhibaanada.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Xubno ay hor kacayeen xildhibaanada wada mooshinka kuwooda ugu cadcad ayaa Ra’iisal wasaaraha dood dheer kala yeeshay arrinta mooshinka iyo sida xal loogu heli karo khilaafka uu keenay mooshinka madaxweynaha. Waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen heshiis adag oo aan la ogeyn inuu yeeli doono madaxweynaha.

Xogta ay Goobjooge.com heleyso ayaa muujinaysa in dadaalka Cumar C/rashiid ay taageereyso beesha caalamka oo dhowaan ku baaqday in xal loo helo xiisada uu dhaliyay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Wadahadalka iyo waanwaanta socota oo qarsoodi ah, waxaanu akhristayaasha u soo gudbin doonaa qodobada labada dhinac isla garteen iyo dalabka xildhibaanada mooshinka wada goor dhow… LA SOCO GOOBJOOGE.COM

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON