Thursday, June 26, 2025

XOG: Sida Garoonka Muqdisho loogu xiray ilaalada xildhibaan Kulane Jiis iyo Jawaabta uu bixiyey

Laba ka mida askarta ilaalada gaarka ah ee xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane ayaa maanta lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli ay doonayeen inay ka dhoogaan Garoonka, iyagoo kusii jeeda Gobolka ay kasoo jeedaan.

Askartan oo ka tirsanaa ciidamada Duufaan ee Nabadsugidda ayaa hore ula shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane intii aanu noqon xildhibaan, kana mid ahaa saraakiisha sare ee Hay’adda NISA, waxayna wararku sheegayaan in xarigooda uu ka danbeeyay iyagoo fasax la’aan ah uga dhoofi rabay garoobka, isla markaana watay hub oo iska dhigay ciidamo Boolis ah.

C/llaahi Kulane oo hadda xildhibaan ah, laakiin weli awood iyo saameyn ku leh Gobolka Gedo ayaa heysta ciidamo ka tirsan NISA oo gaaraya shan askari, isagoo aan weli qaadan askarta Booliska ee loogu talogalay ilaalada xildhibaannadda.

Qoraal uu faafiyey xildhibaan C/llaahi Kulane ayuu ku sheegay in lagala noqday ilaaladii gaarka ahayd ee amnigiisa sugeysay, iyadoo la doonayo in beylah looga dhigo weerarrada Alshabaab, balse aanay taasi cabsi gelineynin, kana teebeynin inuu shaqadiisa sii wato.

Taageerayasha kooxda Farmaajo ayaa xariga labadan askari ka faafiyey warar kale oo ay ku sheegeen in amarka lagu xiray ay bixiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Taliyaha NISA Mahad Salaad intii aysan u dhoofin maanta dalka Imaaraadka Carabta.

Kooxda Farmaajo ayaa shaacisay in Amarka agaasimaha NISA uu yahay in dhammaan ilaalada ka tirsan ciidamada NISA laga qaado xildhibaan Kulane, is uu ua yeesho ilaalo Boolis ah..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON