Waxaa faahfaahin kasoo baxeysaa dad ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho u qabteen weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa oo Koox dabley ah xalay ku weerareen degmada Xamarjabab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidamada ay ka soo qabteen laba ka mida dableyda oo dhaawac ahaa, waxaana markii ay ku dhaawacmeen is rasaaseyn dhex martay la geeyay isbitaalka.
Xalay oo dhan waxay baaritaanno ka socdeen degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi oo kooxdani ay ku dhuumatay, waxaana guri ku dhuuntay labada nin ee la dhaawacay, kadibna loola cararay isbitaalka, markii gurigii la tegayna waxaa laga soo xiray afar nin oo dableyda gacan siisay, iyadoo isbitaalka looga daba tegay kuwii dhaawaca ahaa.
Waxaa kaloo la qabtay saddex rag ah oo isbitaalka Mediina gaarsiiyay dableyda dhaawaca ahayd, waxayna dadka la qabtay gaarayaan ilaa 9 ruux oo ay la wareegtay hay’adda nabadsugidda ee NISA.
Waxaa arrintan ka muuqata in dadka Muqdisho qaarkood ay gabaad siiyaan kooxaha weerarada ka geysta magaalada, sabab kasta oo u geysay, waxayn arrimahan oo dhami muujinayaan kalsoonida kooxahan.
Goobjooge.com