Monday, June 23, 2025

XOG: Sirdoonka Imaaraadka Ma wuxuu dhageystaa Telefoonada Madaxda Somalia & Safiirada..?

Warbixinta uu qoray Wargeyska New York Times ee ku saabsan loolanka dalalka Khaliijka ku dhex maraya Soomaaliya ee gaaray in la isku adeegsado aragixiso wuxuu dibadda u soo saaray arrimo badan oo hore tuhun u ahaa.

Qoraalka Wargeyeska: “With Guns, Cash and Terrorism, Gulf States Vie for Power in Somalia” waxaa saldhig u ahaa Ccod telefoon si sir ah looga duubay Ganacsade u dhashay dalka Qatar iyo safiirka Qatar u jooga Soomaaliya oo muujinaya in Qatar ay ku lug leedahay ugu yaraan hal qarax oo ka dhacay magaalada Boosaaso waxay soo shaac bixisay arrimo badan oo hore loo tuhunsanaa balse hadda si rasmi loo ogaanayo.

Ka sokow in Qatar ay danaheeda dartiis iyo loolanka ay kula jirto Imaaraadka u mareyso dariiqyo kala duwan oo argagxisadu ka mid tahay, warbixintan waxay muujisay in Sirdoonka Imaaraadka uu si weyn uga howlgalo Soomaaliya, isagoo dhageysta telefoonada madaxda Soomaalida iyo safiirada shisheeye ee jooga Soomaaliya.

Ad

[Akhriso: Ciidamada Imaaraadku maamulo oo weerarray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid]

New York Times waxay sheegtay Codka la duubay ee dhex may safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Ganacsadaha reer Qatar ay ka heshay Sirdoonka dal ka horjeeda danaha Qatar, kaasoo isla markiiba la fami karo inuu yahay Imaaraadka Carabta oo hore ugu eedeysnaa faraghelinta arrimaha Soomaaliya, laaluush uu siiyo madaxda maamul Goboleedyada iyo heshiisyo aanuy soo marin dowladda federaalka oo uu la galay maamullada Somaliland, Puntland iyo kuwa kale,.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xiriir hoose oo saaxiibtinimo la leh Israa’iil ayaa hore u basaasay oo dhageysatay telefoonada xubno mucaarad ku ah dowladahooda oo uu ka mid ahaa saxafigii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Ankara, dalka Turkiga, waxayna adeegsadaan barnaamij ay ka iibsadeen shirkad laga leeyahay Israa’iil oo lagu magacaabo NSO Group, fadhigeeduna yahay magaalada Tel Aviv.

- Advertisement -

Shirkadan waxay sameysaa Barnaamijyo sirdoon oo loogu talogalay in lagu dhageysto telefoonada madaxda dalalka kale, dadka muhiimka ah iyo dhinacyada ay iska horjeedaan, wuxuuna ku kacayaa maalaayiin doolar, iyadoo xubno ka mida mucaaradka Sacuudiga ee ku nool  dalalka reer galbeedka ay dacwad ku fureen shirkaddan, kadib dilkii Jamal Kashoqgi.

Warbixinta Wargeyska New York Times waxay mar kale fureysaa dagaalkii Imaaraadka iyo Qatar ay isku heysteen inay danahooda ka fushadaan Soomaaliya, waxayna maamuladii iyo xubnihii ku xirnaa Imaaraadka u noqoneysaa fursad cusub oo ay u adeegsadaan inay ku abuuraan khalkhal iyo qeylo dhaan siyaasadeed, mooshino ama war-saxaafadeedyo, iyadoo fulinaya danaha Imaaraadka, halka dowladda iyo taageerayaasha ku mashquul doonaan difaaca dowladda Qatar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON