Tuesday, June 24, 2025

XOG: Wareegtadii Cumar C/rashiid ee Xasaanada Xildhibaanada oo Gurigiisa ka shaqeyn weysay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa dhowaan soo saaray wareegto uu ku amrayo hay’adaha Amniga dowladda inaysan baari karin xildhibaanda iyo wasiirada oo u hogaansamaan sharafta iyo maaamuuska ay leeyihiin oo ay ku dhaqmaan sharciga, laakiin waxaa la xaqiijiyay in wareegtadaasi ay ka shaqeyn weyday.

Garoonka diyaaradaha ayaa si joogto ah loogu baaraa xildhibaanada iyadoo taasi ay ka darran tahay in hoyga Ra’iisal wasaaraha iyo xafiiskiisa sidoo kale lagu baaro xildhibaanada, taasoo la yaab ku noqotay xildhibaanada oo dood kulul iyo mooshin ka keenay arrintan.

Waxaa muuqata in hay;adaha ammaanka ay kordhiyeen xoojinta ammaanka iyo baaritaanka dadka oo ay ku jiraan xildhibaanada Soomaalida, waxaana weli taagan dooda ka dhalatay ku xadgudubka dastuurka oo ay ku caddahay inaan la baari karin xildhibaanada.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA RA’IISAL WASAARAHA

Wareegto Xasaanad

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON