Monday, June 23, 2025

XOG: Wasaaradda Dastuurka & ururada Bulshada Rayidka K/Soomaaliya & Puntland oo is heysta

Dalladaha ururkada Bulshada Rayidka ah ee ka jira Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland ayaa iska dhega tiray amar uga yimid wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa inaysan qaban karin shirar iyo seminaaro ku saabsan arrimaha dastuurka.

Dallaha ururada bulshada ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (SOSCENSA) iyo Dallada kale ee Puntland ka jira lagumaga magacaabo PUNSAA ayaa mashruuc ka qaatay Hay’adda maalgelisa ee Saver World, kaasoo ahaa in dooda Dastuurka KMG ah ay qeyb ku yeesheen ururada Bulshada rayidka, laakiin waxaa mashruucaasi xilligiii uu furmi lahaa ka hor timid wasaaradda Dastuurka oo sheegtay inaysan faahfaahin badan ka heynin mashruucaasi dibna loo dhigo.

Shirkii urarada Bulshada ee Dastuurka KMG ah oo la qorsheeyay in lagu dhiso Guddi Farsamo oo ka socda ururada bulshada rayidka ah, kaasoo  xiriirinaya doorka bulshada rayidka ku yeelaneyso geedi socodka Dastuurka ay hakisay wasaarada Dastuurka.

Ad

Qoraal ay wadajir u soo saareen SOSCENSA iyo PUNSAA ayaa lagu sheegay inay la yaabeen  diidmada ka timid Wasaaradda Dastuurka Saacidihii ugu danbeeyay ee mashruuca bilaaban lahaa, iyadoo wasaaradda Dastuurka ay la xiriirtay Hay’adda  Saver World kana dalbatay in la joojiyo howshii xaflada shaacinta guddiga, maadaama aanay caddeymo ku filan mashruuca.

SOSCENSA iyo PUNSAA ayaa ku doodaya inay wasaaradda Dastuurka u gudbiyeen dokumentiyada Mahruuca iyo heshiiskiisa, waxayna ku adkeysteen inay ku socon doonaan fulinta mashruuca, haddii aanay wax kale dhicin, iyagoo cabasho u gudbiyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waxayna ku eedeeyeen Wasaaradda Dastuurka inay aragti liidata ka heysato Dastuurka dalka kala haga oo caddeynaya inaysan Waasaaradi awood u lahayn joojinta dhaqdhaqaaqyada ururada bulshada rayidka ah sida ku cad qodobada 20 iyo 22 ee Dastuurka KMG ah.

 

- Advertisement -

HOOS KA AKHRI SOSCENSA iyo PUNSAA


Press release: SOSCENSA and PUNSAA

SOSCENSA and PUNSAA are two biggest non- actors platforms in South-central and Puntland in Somalia with the membership of 135 umbrellas and networks that includes organization women, youth, professionals, trade unions, cooperatives, private educations umbrellas, private sector, Somali Chamber of commerce and industry, media networks and  Universities

To represent these umbrellas and network with diverse interests is very huge responsibility specifically when it relates to important issues like constitutional process that matters most therefore, after consultation with the ministry of constitution, we have organized constitutional review training with the support of Saferworld organization to raise the awareness of CSO on this particular issue and in conclusion of the training the participants agreed the establishment of  civil society constitutional review task force (CSCRTF) team that coordinates civil society participation to this process.

Regrettably, the ministry of constitution affairs had changed their position and instructed our partner organization to stop the launching ceremony of this important project on the eleventh hour with the statement of not having clear insight of this program which is inaccurate statement as Safer world and SOSCENSA had given full project documents and contractual agreements.

- Advertisement -

To conclude, this shows that the ministry has very poor understanding of the constitution that governs the country and they have no ministerial power to stop CSO activity according to the article 20 and 22 of the current provisional constitution and we have complained to the prime minister office and we will continue our activity up until further developments.

Thank you all

SOSCENSA / PUNSAA

GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON