Monday, July 7, 2025

XOG: Wasiirka Howlaha Guud ee Somalia oo laga reebay tartanka Kursiga Xildhibaan ee Beesha Hubeer

Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa laga reebay tartanka Kursiga Beesha Hubeer ee Baarlamaanka Federaalka oo ahaa kursigii uu ka dhintay wasiir Cabaas C/llaahi Siraaje.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa musharixiinta kursigan waxaana la sheegay inuu cadaadis uga yimid xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha, taasoo keentay inuu ka haro doorashada kursiga uu musharax u ahaa oo lagu wado inay Berri ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Waxaa socda olole Madaxtooyada Soomaaliya  ugu jirto in kursigaasi loo doortowiil la dhashay Cabaas Siraaji oo dhowaan soo gaaray magaalada Kismayo, kaasoo lagu magacabo Maxamuud C/llaahi Siraaji.

Taageerayaasha musharaxa Maxamuud C/llaahi Siraaje ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay xildhibaanni kursiga beesha Hubeer, iyadoo uu tanaasulay musharicii la tartamayey, waxaase go’aanka laga sugayaa Guddiga Doorashada, iyado ay jirto musharax haweeney ah oo tartanka ku jirta inkastoo aysan miisaan lahayn.

Musharaxa kale ee kursiga u taagan Maxamuud Cabdi Beekoos oo horeba uu uga qaaday Marxuum Cabbaas Siraaje ayaa ku dodaya inay doorahsda lagu hayo jirto faragelin, isagoo dacwad geystay Maxkamadda sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON