Sunday, June 22, 2025

XOG: Wasiirka kaliya ee xilka isku wareejiyay xukuumadda Xamza iyo sida uu ku soo laabtay

Xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu soo magacaabay Madaxweynaha la doortay 16 May 2012 Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xilkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u magacaabay Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay xilka halkiisii ka sii watay, wuxuuna xarunta wasaaradda Gaashaaandhigga xilalkii ugu kala wareejiyay wasiir ku xigeenka cusub iyo Wasiiru dowlaha.

Ad

Wasiir Jaamac oo Rooble u magacaabay Wasaaradda Gaashaaandhigga xilligii uu taagnaa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farmaajo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweynaha.

Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeya Madaxweynaha K/Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga beshiisa. Dhinaca kale waxaa magacaabistiisa Golaha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fowsiyo Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeystay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xulay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON