Iyadoo la wada sugayo isku shaandheynta guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in mas’uuliyiin fara badan ay ku lug yeesheen arrintan.
Dhowr wasiir oo aan ka mida ahayn wasiirada ay quseyso ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ula tegay, kana codsaday inuu guddoomiyeyaal u magacaabo shaqsiyaad ay wataan, iyadoo lagu wado in inta badan xilalka laga qaado guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.
Wasiiradaasi waxaa ugu danbeeyay wasiirka haweenka iyo xuquuqda insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji ayaa iyadu caddeysay inay Duqa Muqdisho ka dalbatay inuu guddoomiyeyaal badan oo haween ah u magacaabo Gobolka Banaadir, kadib kulan ay la yeelatay.
Warar ku dhowdhow Gobolka ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid magacaabidda guddoomiyeyaasha cusub ee Gobolka Banaadir ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin culeys saaray Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, iyadoo iminka lagu wado in xilli kasta lagu dhawaaqo.
Dowladda Farmaajo iyo Kheyre ayaa hore u muujiyay qorshe ay ku soo jiidanayaan Beesha Caalamka iyagoo haween fara badan ku soo daray golaha wasiirada iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Goobjooge.com