Xoghayaha cusub ee joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa maanta la wareegay xilka kadib markii lagu magacaabay wareegto kasoo baxday Ra’iisal wasaaraha.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda C/rashiid Maxamed Xidig iyo mas’uuliyiin kale, waxaan xilka wareejiyay xoghayihii hore Ismaaciil Jimcaale Calasow.
Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo hore u ahaa guddoomiyaha Jaamacadda SIU ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday.
Xil ka qaadista xoghayihii hore ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay wasiir C/raxmaan Odowaa oo khilaaf dhinaca maamulka ah uu kala dhaxeeyay xoghayaha, taasoo keentay in wasiirku arrintaas ku qanciyo Ra’iisal wasaaraha oo xil ka qaadista sameeyay. Muran ka dhashay xil ka qaadista xoghayaha hore ayaa lagu xaliyay in lagu meeleeyo wasaaradda Cadaaladda. Wasiir Odowaa ayaa ku guuleystay inuu iska wareejiyo caqabadii ugu weyneyd ee ka heysatay gudaha wasaaradiisa.
[ad name=”HTML”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]