Thursday, June 26, 2025

Xoghayaha guud ee Q/Midoobay socdaal lama filaan ku yimid Muqdisho

Xoghayaha guud ee Antonio Guterres ayaa socdaal lama filaan ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa la xiriiraa arrimaha abaaraha iyo macluusha ka jirta Soomaaliya, si uu indhaha caalamka ugu soo jiido xaaladda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa kulamo uu kula leeyahay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha gar gaarka sama falka iyo abaaraha ka jira dalka.

Waxaa lagu wadaa in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Qaramada Midoobey ay booqasho ku tagaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo ka mid ah gobolada dalka ee sida ba’an u saameysay abaraaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON