Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Haweeney u dhalatay dalka UK u magacaabay inay noqoto Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya.
War kasoo baxya Xoghayaha Q/Midoobay ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Britain ay noqon doonto Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.
Ergeyga cusub ayaa xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaasoo xilkan soo hayay muddo 3 sano ah.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing ay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kusoo kordhin doonto waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda oo 35 sano ah, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.
Catriona Laing, ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994, waxayna magacaabisteeda ka hor aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023.