Monday, July 14, 2025

Xoghayihii Degmada Kaxda oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Warar goor dhow soo baxay  ayaa sheegaya in koox hubeysan ay degmada Dharkeynley agagaarka Agip-ka ku dileen xoghayihii degmada Kaxda Bile Axmed Abukar iyo mid ka mida Ilaaladiisa oo markaas watay gaari kuna socda degmada Kaxda.

Koox hubeysan oo ku daba jiray ayaa la sheegay in ay rasaas tiro badan ku fureen gaari uu saarnaa Xoghayaha, iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday. Gaariga uu watay xoghayaha ayaa qalibmay kadib markii rasaasta  lagu furay, waxaana si xun ugu dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo ahaa xoghayaha iyo ninkii ilaalo u ahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kadib markii falku dhacay iyadoo gobta laga qaaday meydkooda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON