Thursday, June 26, 2025

Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada oo ka mida Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha (Waa kuma..?)

Iyadoo mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya oo ay aqbaleen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya dadka mooshinkaasi ka danbeeya ee saxiixay oo qaarkood ay is shaaciyeen sida Xildhibaanada hormuudka u ah Cabdi Xoosh Jibriil iyo C/llaahi Goodax Barre.

Cige-guled

Goobjooge.com ayaa ogaatay in xubin ka mida golaha wasiirada uu ka mid yahay saxiixayaasha mooshinka madaxweynaha, waana wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cabdixakiin Cige Guuleed iyadoo magaciisa lagu arkay xildhibaanada saxiixay mooshinka madaxweynaha.

Lama oga sababta wasiir ku xigeenka ku qasabtay inuu saxiixo mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaanada badan ay mooshikani saxiixeen waqti hore oo aan lagu wargelin xilliyadan danbe. Waxaana laga yaabaa inuusan wasiirku ka warqabin iyo inuu ka mid yahay xubnaha ku kacsan madaxweynaha oo isagoo xukuumadda ka mida tallaabadan ku dhaqaaqay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON