Tuesday, June 24, 2025

Xubin ka tirsan Guddiga Saxaafadda oo durba iska casilay xilka loo magacaabay

Mid kamida agaasimeyaasha idaacaha Muqdisho oo ku soo baxay inuu ka mid yahay Guddiga Saxaafadda Soomaaliya ee ay magacawday wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayna ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu iska casilay guddigaasi.

Agaasimaha radio Danan ee magaalada Muqdisho Maxamed Deeq Barre Fiyoore ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay guddiga loo magacaabay.  Fiyoore ayaa sheegay in markii hore aan lagala tashan guddigan, isla markaana uusan wax ka ogeyn, isagoo xusay in xataa Saxaafada madaxa banaan aan wax laga weydiin dhismaha guddiga.

“Waxaa halkaan ku caddeynayaa liiska soo baxay ee Guddiga saxaafada ee 9-ka xubnood ee aan magaceyga ku arkay, inaan ka mid aheyn oo aan la igala tashan, saxaafada madaxa banaan aanu ku metelin, maadaama aan iyaga lagala tashan, waxaa cadeynayaa in guddigaas ka mid aheyn, waxna ka ogeyn howshiisa, kuna baraarugay saacado ka hor inaan guddigaas ku jiro, magaceyga iyo magaca Saxaafada madaxa banaan midna kuma matali guddigan” Maxamed Deeq Barre Fiyoore.

 

Dhismaha Guddigan iyo xilliga lagu soo beegay ayaa shaki badan laga muujiyay, waxaana la filayaa in labada xubnood ee ka mida saxaafadda madaxa bannaan ee ku jira ay iyaguna iska casilaan, maadaama uu noqday guddi hoos taga Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON