Tuesday, June 24, 2025

Xubnihii ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya oo kusoo baxay Guddoonka Baarlamanka Hirshabelle (Akhriso)

Guddoonka Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta lagu doortay Doorasho natiijadeeda la sii ogaa oo ay kusoo baxeen xubnihii ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa kusoo baxay Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo loo saadaalinayey, waxaana la tartamay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir).

Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku soo baxay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, iyadoo uu la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame, sidii la filayey ee hore loo saadaaliyey.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan ayaa kusoo baxay xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad e Baarlamaanka Hirshabeelle, isagoo la tartamay Xildhibaan Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd guddoomiye ku xigeenkii labaad ee hore.

Doorashad sida degdega ah ku dhacday ee baarlamaanak Hirshabeelle ayuu sheegay in Madaxweynihii maamulkaasi ee is-casilay in ujeedkeedu yahay inay dowlada Federaalka ay ku dagaalanto xildhibaannada labada Gole lagu soo dooranayo Hirshabeelle.

Guddoonkan cusub oo ah rag dhalinyarro ah ayaa isla maanta la dhaariyay, waxaana lagu wadaa inay degdeg doortaan Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON