Howlgal ballaaran oo ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ayaa lagu soo qabtay dad gaaraya 80 xubnood oo ay ku jiraan xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo kuwo xiriir qarsoodi ah la leh.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen ciidamada amaanka Cadaado ayaa waxaa ka warbixiyay guddoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi Maxamuud Tootoole, isagoo sheegay in ay dadkaasi gaaraya 80 xubnood ku wadaan baaris iyo kala soocid.
Xaalada magaalada Cadaado oo looga bartay inay tahay mid degan oo falalka amni xumida ka baxsan ayaa howlgalkaan waxaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo amniga magaalada inkastoo ay dhacdo in mararka qaar xubnod ka tirsan Shabaab magaalada kusoo galaan dhuumaaleysi.