Dawladda Japan ayaa daldashay toddobo qof oo xubno ka ahaa koox la baxday ‘Qiyaamaha -Aum Shinrikyo”, kuwaas oo sannadkii 1995tii weerar kiimiko ah ka geystay dalkaasi.
Weerarka ayaa loo adeegsaday Gaaska Neerrfaha, kaasoo waxyeelo badan gaystay. Wuxuuna Weerarkii sunta loo adeegsaday dalka Japan ka dhacday March sanadkii 1993, iyadoo ay ku dhinteen 13 ruux, ayna ku dhaawacmeen 5800 ruux oo qaarkood dhaawacoodu joogto noqday.
Ninka madaxda u ah kooxdan ee Shoko Asahara ayaa isku daray diimaha Buudiga iyo Hinduuga, waxayna la yimaadeen mowqifyo yaab leh oo dadka oo ahaa hogaamiyihii kooxda.
Dadkaas la dilay waxaa ka mid ahaa Shoko Asahara oo ahaa hogaamiyihii kooxda oo ahaa 63 sano jir indhoole iyo lix xubnood oo kale oo kooxdaas ka tirsanaa ayaa wali lagu hayaa xabsi la galiyo dadka dilka ku xukuman.
Maxkmadeynta dadkan ayaa soo socotay muddo 20 sano ka badan, waxayna soo dahmmaatay Janaayo 2018.