Wednesday, June 25, 2025

Xukuumada Soomaaliya heshiis cusub la gashay Shirkad cusub Turki ah

heshiisWasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu heshiis 10 sanadood socon doona uu la soo saxiixday shirkad aanu magacaabin oo Turkiga laga leeyahay, shirkadaas ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonto  hubinta  tayada cuntooyinka iyo alaabaha Soomaliya la keeno iyo  kuwa laga  dhoofinayo.

Wasiirka  Ganacsiga  iyo Warshadaha xukuumadda Soomaliya /raxmaan Cabdi Cusmaan oo   dhowaan safar ku tegay dalalka Kuwait, Turkiga iyo Taliyaaniga  ayaa maanta ku dhawaaqay arrintan markii uu dib ugu laabtay Muqdisho.

“Shirkadani mudo badan ayuu wada hadal inoo socday, kadibna khubaro nala socotay  ayaa ku qanacday inaan qaadano lana galno heshiis” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inuu muddo dheer wadahadal u socday labada dhinac, inkastoo wasiirku muddo saddex bilood oo kaliya xilka hayo.
Heshiisyada lala galo shirkadaha Turkiga ayaan waxaa caado noqotay inaan marna laga ansixin Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo heshiisyo shirkado hore lala galay lagu fashilmay in Baarlamaanka la hor keeno, heshiisyadaasi waxaa kamida kuwa lagula wareegay maamulka Garoonka Aden Cadde  iyo Dekadda weyn ee Muqdisho.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON