Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warar soo baxay oo sheegayay in ciidamo tababar loo geeyay dalka Eritrea ay ka dagaalameen Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, qaar badanna ku dhinteen halkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa Warbaahinta Dowladda ka sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu sheegay inay ciidan Soomaaliyeed loo adeegsaday dagaal ka dhacay Waqooyiga Itoobiya, isagoo dadka warkaasi faafiyey ku sheegay inay ka ganacsanayaan qalbiga hooyooyinka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo afkiisa ka dhowray dalka Erteriya ayaa yiri: “Waxaan halkan dowlad ahaan ka caddeynaynaa wararka ku tiri-ku-teenka ah ee been abuurka ah ee laga dayayo ganacsiga ee ah in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u jooga dibadda ay ka howlgaleen waqooyiga Itoobiya iyo Tigray inaysan waxba ka jirin..”
Isagoo ka hadlay dadka wararkan faafinaya ayuu ku sheegay inay diidan yihiin dowladnimada iyo awoodda ciidamada xoogga dalka. “Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta ka ganacsanaya caloosha iyo qalbiga hooyada Soomaaliyeed ee wiilkeedu tababarka ku maqan yahay, waxaan ugu baaqeynaa inaysan hooyooyinka hurdada ka kicin; siyaasaduna ma gasho kicinta hooyooyinka, beenta iyo borobogandada” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.
