Muwaadin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay arrin bulshada dalkaasi si weyn u soo dhoweysay kadib markii uu si fududeeyay guurka gabdhihiisa oo gaaraya 17, isagoo 6 ka mida ku guuriyay si aad loola yaabay oo ka duwan dhaqanka dalalka Khaliijka ee ku dhisan hantida badan iyo faanka.
Ninkan odayga ah oo lagu magacaabo Mascuud Bin Mahdi Bin Hadeyl Al-axbaabi ayaa keenay qorshe ninkii gabadhihiisa soo doonta kaliya laga doonayo inuu kasoo xaadiro kulan hoolka gurigiisa loogu sameeyo dadka ehelka ah iyo deriska, kulankaas oo kaliya la keenayo Qaxwo iyo Timir caado ah Carabta, kadibna sidaasi ku dhacay meherka iyo guurka gabadha uu bixinayo.
Xafladaha waxay ka dhacaan guriga uu Mascuud leeyahay oo ah Qasri weyn salaada Casir kadib, waxaana uu dhowaan sidaasi ku mehriyay laguna guursaday gabadhii lixaad ee uu dhalay.
Oday Mascuud wuxuu kaloo go’aan ku gaaray in gabdhaha kale ee uu dhalay oo dhan ku mehriyo isla xaaladan mid la mida, isagoo aan kalifin kuna qasbin ragga guursanaya gabdhihiisa xitaa haddii ay hanti badan leeyihiin inay Hoteelo waaweyn ku dhigaan arooskooda ama teendho weyn uga dhisaan meelaha loo dalxiis tago, halkaasoo kharash fara badan iyo deyn ka soo raaci jirtay ragga guursada.
Kadib qaabka fudud ee mehrinta uu la yimid Mascuud waxaa ninka guursada gabdhihiisa uu sidaasi kula aqal gelayaa kuna wadanayaa xaaskiisa, isagoo bixinaya meherkeeda oo dhan 30-kun doolar oo Dirham. Mana jiraan kharashaad kale, dahab ama dhar.
Mascuud Bin Mahdi wuxuu leeyahay afar xaas, wuxuuna sheegay inuu raali ka yahay in gabdhihiisa markii la guursado kadib ay ku noolaadaan Gurigiisa weyn oo isagu kafaalo qaado nolosheeda iyo tan saygeeda.
Arrinta odayan sameeyay waxay xal u noqon kartaa dhibaatada bulsho ee heysata dalalka Khaliijka, siiba Sacuudiga oo ah guurka qaaliyoobay iyo gabdhaha guurka beelay.
DAAWO SAWIRRO

XULSHADA JIMCAHA
Goobjooge.com