Xulka Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray ciyaar dhex martay dhigooda dalka Uganda, iyagoo u soo gudbay Finaalka Koobka tartanka Cecafa ee xulalka da’doodu ka yar tahay -17 sano jirka.
Ciyaarta oo goor dhow soo dhammaatay ayaa xulka Soomaaliya waxay 1-0 uga badiyeen xulka dalka Uganda. Ciyaarta ayaa qeybtii hore lagu kala baxay barbardhac 0-0. Waxaana xusid mudan in Xulka Uganda uu iska qasaariyey Rigoore loo dhigay.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa laacibka Soomaaliyeed Farxaan Duqoow wuxuu Gool caaqiibo leh u dhaliyay xulka Soomaaliya, kaasoo guusha ay ku raacday ciyaartiina ku soo gabagabowday.
Xulka Soomaalida ee 17-ka sano ka yar ayaa ayaa hadda gaaray ciyaarta kama dambeysta ah ee Fiinaalka koobka Cecafa ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay -17-ka sano.