Thursday, June 26, 2025

Xuseen C. Xalane oo tegay Ceelbarde & beesha Ogaadeen oo bilowday abaabul ka dhan Shariif Xasan

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha Ogaadeen ayaa sii xoojiyay olole ay ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Bakool si ay culeys u saaraan maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib maalin  qura markii Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ay Kismaayo isku afgarteeen in dadka labada dhinac ka soo kala jeeda tixgelin uu siiyo maamul kasta.

ceelbarde

Waxa ugu danbeeyay Wafdi uu hogaaminaayo wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo maanta tegay   degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool, isagoo halkaasi u tegay wadatashi ay la yeeshaan dadka  degaanka.

Shalay ayay ahayd markii uu xildhibaan Xerow shaaciyayin saddexda degmo ee  Aato, Yeed iyo CeelBarde ay ka baxeen maamulka Koonfut Galbeed, kadib markii booqdeen degaankaasi.

Xildhibaanada  Xildhibaan Maxamed Iidle  Xerow iyo Dr. Warfaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin  wafdiga Xalane oo aan looga baran siyaasadda qabiileed ee gudaha Soomaaliya.

Qorshaha degaanada beeshani ka degto gobolka Bakool ka socda ayaa ah mid lagu cadaadinayo Shariif Xasan iyo Beesha u badan Koonfur Galbeed oo hore dhinaceeda culeys u saartay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Jubbooyinka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON