Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) waa musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, wuxuuna xilka isaga casilay inuu xilkaasi u tartamo, iyadoo dad badan la yaabanaayeen.
Xuseen Uurkuus waa ninkii Mukhtaar Roobow u duuliyey oo gaarigiisa ku qaaday markii uu ku sii jeeday magaalada Baydhaba, isagoo markaas ahaa Taliyaha NISA, waxaana markaas kadib uu isna tegay magaalada Baydhaba, markii dowladda ka hor yimid musharaxnimada Roobow.
Musharaxan wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudihii, wuxuuna hadda u taagan yahay inuu Berri 10-ka Disembar 2018 u tartamo xilka madaxweynaha K/Galbeed, laakiin waxaa la ogyahay in awood qeybsi ahaan aysan suuragal ahayn inuu xilkaasi qabto, maadaama uu kasoo jeedo beelaha aan qeyb ahaanta u lahayn xilkaasi.
Dadka saaxiibada la ah Xuseen Uurkuus ayaa sheegaya inuu yahay nin si weyn uga dambeeyo arrimaha xiddigiska iyo faaliska iwm, isla markaana uu aamisan yahay, kana dhaadhacsan tahay inuu ku soo baxayo xilka madaxweynaha K/Galbeed, waxayna rajadiisa sii xoogeysatay markii la xiray Mukhtaar Roobow, iyadoo laga yaabo in lagu doorto diidmo laga qabo musharaxa ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya ee C/casiis Lafta-gareen.
Doorashada muranka ka taagan yahay ee K/Galbeed waxaa hadda ku loolamaya shan musharax markii laga reebay Mukhtaar Roobow, wuxuuna Xuseen Uurkuus ka mid yahay xubnaha ugu cadcad marka laga reebo musharaxa dowladda ee C/casiis Lafta-gareen, waxayna rajadiisu tahay in xaaladda ka taagan Baydhaba ay horseedi karto inuu isagu madaxweyne noqdo.