Wararka laga helayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegay in kooxda Xuuthiyiint Yeman ay qaxiyeen Guriga madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax ee magaalada Sanca.
Maleeshiyada Xuuthiyiinta ee shiicada Yeman ayaa la sheegay inay dhulka dhigeen guriga Madaxweynihii hore iyagoo bambooyin iyo hub waaweyn la dhacay, waxaana la ogeyn halka uu ku danbeeyey madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan xaaladiisa.
Waxaa kaloo la soo weriyey in maleeshiyada Xuuthiyiinta ay sidoo kale la wareegeen xarumaha xisbiga madaxweynihii hore iyo dhismooyin ay lahaayeen taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax.
Xuuthiyiinta Yeman iyo Cali Cabdalla Saalax oo isbaheysi ahaa muddo ka badan 3 sano ayaa isku dhacay dhowaan markii uu go’aan cusub qaatay madaxweynihii hore oo ku baaqya inuu wadahadal la gelayo isbaheysiga Sacuudiga.