Yaa Garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweyne ..? [Daawo Sawirro yaab leh]

0

Waxaa si weyn loo hadal hayay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee uu diiday in sagootin iyo soo dhoweyn loo sameeyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu dalka uga dhoofay.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilli subaxnimo oo aan la fileyn Khamiistii hore ka dhoofay garoonka Muqdisho, isagoo diiday in sagootin loo sameeyo, kadibna wuxuu  dib ugu soo laabtay galabnimadii Sabtida isagoo aan sidoo kale wax soo dhoweyn ah loo sameyn.

Madaxda ugu sareysa dalka, wasiirada yo xildhibaanada ayaa saf u geli jiray soo dhoweynta madaxweynaha iyagoo maamulka Gobolka Banaadir soo diyaarin jiray boqolaal dad, taasoo gebi ahaanba uu joojiyay madaxweyne Farmaajo.

Diyaarad laga leeyahay Sacuudiga ayaa siday madaxweynaha, waxaana  garoonka ku sugnaa dad ilaa shan qof ah oo shaqaalaha Villa Somalia u badan, waxaana iyagoo aan la ogeyn s si toos ah loo geeyay Madaxtooyada, tiiyoo aan wax jid ah loo xirin, lana dareemin inuu madaxweyne dhoofayo iyo inuu soo degayo midna.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com