Shirkii dhowaan ku soo dhammaaday magaalada Muqdisho ee loogu daray shirka wadatashiga siyaasadda Soomaaliya si kastoo intii uu mideeyay ee isku keliyeysatay ay isku maandhaafsanaayeen haddana waxaa ka soo baxay go’aano ah in la dhiso MADAL QARAN oo wadatashi ka sameeya go’aanna ka gaara qaabka uu loo marayo kala guurka iyo hiigsiga 2016.
Shirka waxaanba boos ku lahayn oo bannaanka ka taagnaa markii horeba kooxaha iyo qeybaha soo socda:
- Maamulka Ahlu suna ee Goboladda Dhexe ( oo u muuqda in Galmudug uu ku hoos jiro)
- Maamulka Khaatumo satate (oo isna ku dhex qarsoon Puntland)
- Bulshada rayidka ah oo gebi ahaan laga tegay
- Kooxaha siyaasadda ee dalka ka jira iyo siyaasiyiinta madaxa bannaan
Markii lagu dhawaaqay war-murtiyeedka dhismaha MADASHA WADATASHIGA QARANKA, waxaa iyana booska laga saaray dhammaan kooxaha siyaasadda ee aan ku soo sheegnay marka laga reebo Bulshada rayidka ah oo iyada laf ahaanteeda ku imaaneysa rabitaanka madaxda maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka.
Waxaa kaloo xusid mudan in kooxda Alshabaab oo mucaarad hubeysan ahi ay caadi tahay inaysan ka mid noqon wadaxaajoodka noocan oo kale ah, laakiin waxay dad badani is weydiinayaan sida siyaasiyiin dhammaantood damac hogaamineed ku jiro ay dariiq xalaal ah oo dadka u siman yihiin ugu hogaamin karaan dal kala daatay oo xaalad dhiig bax ah ku jira..?
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]