Waxaa soo baxday natiijada Doorashadii guud ee dalka Jarmalka, kadib markii ay hoggaanka dalkaasi ka degtay haweeneyda Angela Markel oo muddo 16 sano ah hoggaamiteysay.
Xisbiga Social Democratic ee bidixda dhexe ee Jarmalka ayaa si dirqi ah uga adkaaday xisbiga haweeneydii hoggaamineysay dalkaasi Angela Merkel, sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee Doorashooyinkii federaalka Germany.
Hoggaamiyaha xisbiga SPD ninka lagu magacaabo Olaf Scholz ayaa sheegay inuu haysto guul uu kusoo dhisi karo dowlad, laakiin ninka la tartamaya ee muxaafidka ah, Armin Laschet, ayaa la sheegaya inuu doonayo inuu ka hortago arrintan.
Labada Xisbi ee sida wadajirka ah u maamulayey Jarmalka sanado, ayaan hadda u muuqan inay sii socon doonto xukunkooda, inkastoo ay natiijada doorashada aad isugu dhowdahay.
Dhinaca kale Xisbiga Cagaaran iyo xisbiyada kale ayaa raadinaya kaalin isbahaysi cusub si ay kaalin ugu yeeshaan dowladda cusub.
Labada xisbi ayaa soo jiitay taageeradii ugu badnayd ee dadka dhalinyarrada ah, kana yar 30-ka sano, doorashadan oo noqotay mid ay saameyn weyn ku yeelatay isbeddelka cimilada.
Kadib markii la tiriyay dhammaan 299 -ka degmo doorasho ee Germany ayaa waxay natiijadu noqoray in xisbiga Social Democraric ee mucaaradka ahaa uu helay 25.9% codadka la dhiibtay, halka Xisbiga Midowga ee talada hayey ee CDU uu ka helay: 24.1% xisbiga Midowga.
Guud ahaan ma jiro xisbi keligii ku guulaystay doorashada Jarmalka, waxayna Doorashadu ahayd tartankii ugu adkaa sanado badan, iyadoo soo afjartay xukunkii labada xisbi ee waaweynaa kadib.

