Hubkii ay qabteen ciidamada Faransiiska oo saarnaa Dooni mareysay xeebaha Soomaaliya 20-kii bishaan March oo hore loo sheegay inuu ku socday Soomaaliya, isla markaana madaxweynaha Soomaaliya war kasoo saaray ayaa hadda la xaqiijiyay inuusan u socon Soomaaliya.
Hubkan oo ahaa kii ugu badnaa ee la qabto ayaa la sheegay inuu ku socday dalka Yeman, iyadoo ay soo dirtay dalka Yeman oo xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yeman.
Sarakaiil Mareykan aha ayaa laga soo xigtay ayaa lagu caddeeyay in hubkaasi ka yimid Iiraan una socday dalka Yeman. Afhayeenka ciidamada Mareykanka qeybta shanaad ee Ilaalada xeebaha Somalia Kevin Stephens oo la hadlay telefishanka CNN-ka ayaa warkan shaaciyay.
Wasiirka difaaca Faransiska ayaa isna sheegay inay sii daayeen raggii Doonta waday kadib markii ay su’aalo weydiiyeen ragaasi.
Hubkii ay hore sidoo kale u qabteen ciidamada Australia ayaa isna sidoo kale la sheegay inuu u socday dalka Yeman, waxayna tani caddeyn u tahay inaysan waxba ka jirin wararkii hore loogu sheegay in hubku u socday Soomaaliya.
Goobjooge.com