Friday, June 27, 2025

Yaa noqonaya Guddoomiyaha Guddiga Doorashada? (Laba haween caan ah oo isku heysta)

Guddiga Doorashooyinka ee dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay isla markaana la dhaariyay ayaa ku mashquulsan sidii uu u dooran lahaa guddoomiye guddigaasi yeesho iyadoo loolan weyn ka dhex oogmay laba haween ee kaliya oo guddigan ku jira, kuwaas oo ku loolamaya inay noqdaan guddoomiyaha Guddiga.

Halimo-Khadija

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Khadiijo Cosoble Cali ay si weyn u loolameen in mid waliba ay noqoto guddoomiyaha guddigan Qaran ee muhiimka u ah hiigsiga 2016, waxaana xubnaha guddiga oo 9 xubnood ah ay u kala qeybsameen labada haween ee xilka sare isku heysta.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga oo lagu waday inay dhacdo maalintii shalay ahayd ayaa dib u dhacday muran ka dhex taagan labada musharax dartood  waxana lagu balamay inay maanta oo  Axad ah dhacdo, laakiin waxaa laga cabsi qabaa inay haddana dib u dhacdo, sababo la xiriira xubin ka mida guddiga oo maqan iyo musharax Khadiijo Cosoble oo dhaawac jab ahi ka soo gaaray lugta shil markii ay ku dhacday gurigeeda.

Xaliimo yarey oo taageero weyn ka heysata madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo inta badan xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa u muuqata inay ku guuleysan karto si fudud xilli kasta oo doorashada la qabto, waxayna tani muujineysaa saameynta weyn ee madaxda dowladda ku leeyihiin Guddiyada heer Qaran ee ay ahayd inay noqdaan kuwo ka madax bannaan awoodda dowladda iyo kooxaha siyaasadeed.

XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA WAXAY KALA YIHIIN

1. Siciid Xaashi Warsame
2. Maxamed Xasan Thaani
3. Xuseen Cabdi Aaden
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
5. Maxamed Axmed Nuur
6. C/rixmaan Cismaan Dirir
7. Maxamed Daahir Maxamuud
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
9. Khadiijo Cosoble Cali

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON