Madaxweynaha lagu qasbay inuu xilka ka dego ee dalka Gambiya ayaa la xaqiijiyay inuu lacag badan kala baxday khanada dowladda dalkaasi.
Yaxye Jamme ayaa lagu eedeeyay markii uu masafuriska u aaday dibadda inuu diyaarada xamuul ku qaatay gawaaridii madaxtooyada dalkaasi ee qaalig ahaa, isagoo la baxay lacag ku dhow 12 Milyan oo Doolar.
La-taliyaha madaxweynaha cusub ee Gambiya Mai Axmed Fati ayaa sheegay in madaxweynaha hore uu hore u qaatay lacag dhan 11.4 Milyan oo doolar oo uu kala baxay khasnadda dowladda labadii toddobaad ee ugu danbeysay xukunkiisa.
Yaxye Jammeh oo ah wadaad muddo 22 sano soo xukumayay dalkiisa ayaa lagu qasbay inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow kadib markii faragelin ku sameeyeen ciidamo ka socda dalka Senegal.
Goobjooge.com