Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa farriintiisii ugu horeysay u diray xildhibaanada isagoo uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Wasiirka ayaa si gaara ugu mahadceliyay xildhibaano aanu shaacin oo si gaara isaga xil saaray ololihii ansixinta xukuumadda cusub.
FARRIINTA YUUSUF GARAAD HOOS KA AKHRI
Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta aqlabiyad ku ansixiyay Golaha Wasiirrada aan ka midka ahay ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaannada sida khaaska ah isaga xilsaaray meelmarinta Xukuumadda ee abaabulay ama ka qeyb galay kulammo isdaba joog ah oo hordhac ah oo maalmahaan ka socday Muqdisho.
Waxaan idiin ballanqaadayaa in aan wadatashi iyo xogwarran joogta ah idinla lahaado inta aan Ummadda u hayo xilka Qaran ee aad idinku ansixiseen, waxaanna soo dhoweynayaa in aad igula xisaabtantaan waajibaadkeyga.
Goobjooge.com