Friday, June 27, 2025

Yuusuf Indha-Cadde: “Muqdisho in dhagxaan la dhigo jidadka, Hoteeladana lagu wareejiyo laguma sugi karo ammaanka”

Sheekh Yuusuf Indha-cadde
Sheekh Yuusuf Indha-cadde

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada, hore u soo noqday wasiiru dowlihii Gaashaandhigga dowladii KMG ahayad ayaa ka hadlay weerarkii ay maalintii Axadii ee 1-da Bishan Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna camabareyn u jeediyay qaabka loola tacaalo arrimaha amaanka.

Indhacadde wuxuu sheegay in raggii weerarka geystay  ay aqoon u lahaayen Hotelka, isla markaana ay la socdeen qof kasta iyo qolka uu ka deganaa. “Nimankaa waa rag deganaa Hotelka, way yaqaaneen qof kasta meeshuu ka degan yahay iyo ciddii ay beegsanayeen.” Ayuu yiri  Yuusuf Indha-cadde oo intaas ku daray sidii wax u dhaceen inay muujiso xaalada beylahda ah ee ammaanka magaalada ku sugan yahay.

Wuxuu macno la’aan ku tilmaamay aadna u dhaliilay dhagxaanta waaweyn ee lagu jaray qaybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, si loogu suggo ammaanka, isagoo sheegay inaan dhagxaan lagu xaqiijin karin amniga.   “Ammaanka Xamar sida uu hadda yahay waa mid si aad ah u adag, u mashquul badan, oo si lagu suggana ay adag tahay, Xamar dhexdeeda in dhagaxyo la dhigo, jidadkana lagu gooyo, Hoteelo lagu wareejiyo, ma suggi karto amni.” Ayuu yiri General Indha Cadde oao la hadlay warbaahinta.

General Indha Cadde, ayaa yiri “Beer haddii biyo ku furmaan, beerta dhexdeeda lagama xiro ee waxaa biyaha laga soo xiraa webiga. Suggida amnigu waa in meelahoodu loogu taggo. Nimankaanu waa niman dadkii ku dhex jira.” ayuu mar kale yiri Jeneraalka oo dhaliilay qorshaha ammaanka dowladda.

Goobjooge.com 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON