Saturday, May 4, 2024

Miisaaniyadda Dowladda Somalia 2017 oo la hor geeyay Barlamanka [Xisaab-xirkii 2015/16 oo maqan]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka federaalka u gudbisay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017.

Miisaaniyadda ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo Baarlamaanku u qabtay xukuumadda inay soo dhameystirto ilaa Bisha May, markaas ku beegantan xilli uu Baarlamaanku fasax ku maqan yahay iyo Bishii Ramadaan.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Baarlamaanka faafhaahin ka siiyay Miisaaniyadda, wuxuuna sheegay in kharashaadka dowladda ee gudaha ay kordheen, balse ay jirto hoos u dhac kharashka guud ku saabsan.

Ad

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan oo ay ansixiyaan Miisaaniyadda oo hore qeyb saddex bilood ah loo ansixiyay, kadibana saddex bilood oo kale lagu daray.

Waxaa xusid mudan in xisaab xirkii miisaaniyadda dowladda ee sanadaha 2015 iyo 2016 ay weli maqan yihiin oo dowladii Cumar C/rashiid ay meesha ka baxday iyadoo la isku heysto lacago maqan oo ka badan 110 Milyan oo Doolar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON