Xildhibaano ku dhow 100 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa caawa isugu tegay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannadan ayaa ka mideysnaa dareen cabsi leh oo ka soo wajahay xeer ilaalinta Qaranka kadib markii xeer ilaaliyaha guud uu maanta dacwad ku soo oogay laba xildhibaan, isla markaana dalbaday in xasaanadda laga qaado.
Xildhibaannada oo ay ka muuqatay cabsi soo wajahday shaqsiyadooda ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ugu tegay inuu talo ka siiyo waxa laga yeelayo qoraalka kasoo baxay xeer ilaaliyaha iyo tallaabada uu qaadayo guddoonka.
Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada inay is dejiyaan oo wax kasta si sharci ah loo mari doono, wuxuuna u sheegay inuu daraasad ku sameyn doono qoraalka uga yimid xeer ilaaliyaha, isla markaana ay talo isugu soo laaban doonaan.
Xildhibaannada ayaa goor dhoweyd ka huleeley xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga Guddoonka Baarlamaanka, waxaana xaaladooda gilgilay warkii uu maanta shaaciyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.