Thursday, July 17, 2025

XOG CUSUB: C/qani Jaamac oo laga saaray liiska howl-wadeenada Madasha Wadatashiga Qaran

Xogta laga helayo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa tibaaxeysa in isbedel lagu sameeyay guddiga howlwadeenada Madasha Wadatashiga Qaran ee muranka badan uu ka dhashay magacaabisteeda iyadoo laga saaray xubno ka mid ahaa, laguna daray qaar cusub.

Cqani
Wasiirkii hore ee madaxtooyada Jubaland C/qani Cabdi Jaamac

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Jubaland C/qani Cabdi Jaamac ayaa la xaqiijiyay in laga saaray  Guddi howleedka Madasha wadatashiga Qaran kadib markii ay ka hor yimaadeen maamulada  qaarkood iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa booskaasi ku buuxiyay nin ay qaraabo yihiin Ra’iisal wasaaraha balse kasoojeeda beesha hawiye, taasoo iyadana socon weyday, waxaana markii danbe lagu qoray xubin kasoo keeda Beesha Dir/Isaaq.

C/qani Jaamac oo xil wasiir ka waayay golaha wasiirada la dhisayo ee maamulka Jubba ayaa iminka meel cad ku soo dhacay, wuxuuna ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uga fadhiyaa inuu xil kale u raadiyo.

Dhinaca kale laba xubnood oo ka socda Hiiran/Shabeelaha hoose iy Gobolka Banaadir ayaa lagu daray guddiga howleedka Madasha Qaranka oo maanta howshiisu bilaabaneyso marka uu shirka uga furmo magaalada Muqdisho madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulada dalka ka jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON