Wednesday, June 25, 2025

12-ka April: Maalin u taagan dhibaateynta Shacabka Muqdisho [Dhageyso Gabaygii Farriin Qaran]

Caadiyan maalmaha dadku ku xisaabtamaan inay shaqo la’aan, waxbarasho la’aan iyo dhaqdhaqaaq la’aan noqdaan waxaa ka mida 12-ka April oo sanad kasta la xuso asaaskii ciidamada milateriga Soomaaliya.

Dadka caadiga ah, shaqaalaha, ganacsatada iyo ardayda waxay door bidaan inay guryahooda iska joogaan, mar haddii wadooyinka la xirayo isu socodkuna noqonayo mid ciriiri ah oo aad u dhiba badan, waxayna ka mid noqotay munaasabada dadka lagu dhibo ee la qabatimay.

Dadkii maalinlaha ahaa ku noolaa wixii ay maalintaasi shaqeystaan ma jirto cid ka fekertay, ardayda imtixaanka u socday yaa is weydiiyay, ganacsatada maalintan laga hos istaagay shaqadoodii iyaguna waxay ku jiraan liiska dheer ee ku dhiban xafladaha dabaaldegga ciidamada aan mushaarkoodii heli karin.

Xafladaha noocan oo kale ah waxaa dowladda uga baxa kumanaan doolar, tiiyoo aanay wax macne ah u soo kordhineynin ciidan garaamkiisii ciriiri ku jiro, dhaawaciiisii aan laga war heynin, xuquuqdiisii bileedna aan la siin xilliga ay u baahnaayeen. Waxaa loo qaatay in munaasabadaha noocaan oo kale ah ee qasaaraha miiran ah gebigood la joojiyo, lacagta lagu bixiyana loo adeegsado taakulada ciidamada.

12-ka April waxay marka la isku soo duubo noqoneysaa maalin u taagan: Dhibaateyn shacab iyo hanti qasaarin aan loo baahneyn oo ay barbar socoto ciidamo taakulo la’aan la gaardisiinayo.

DHAGEYSO “Farriin Qaran” waa gabay dhab-ka-hadal ah uu tiriyay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo col Cismaan Cilmi Guure (Cukaash)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON